Deeq A. Posted July 18, 2023 Hargeisa (Qaran news)-Xaalada xildhibaan Jamaal Adan Diiriye ayaa degan in kasta oo goor dhawayd la galiyay qalniin xaga sanka ah kadib markii uu jabniin ka soo gaadhay dhaawacii ay shalay u gaysteen ciidan ku garaacay aaga madaxtooyada oo uu xiligaasi maraayay sida uu sheegay isaga oo wadadaasi maraaya kuna guda jiray nolol maalmeedkiisii. Askarta falka foosha xun u gaystay xildhibaanka ayaa xidhan oo lagu wadaa baadhitaan Xildhibaanka ayaa hada ku jira oo lagu daawaynayaa Amal Garand Hospital ee dhaca bariga magaalada Hargeysa Qaran News Share this post Link to post Share on other sites