Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo gaaray degmada LUUQ + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
361841265_743041600955173_30214811758659

Luuq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan oo kasoo kicitamay magaalada Kismaayo ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka, kana degmada iyo bulshada rayidka ah.

Safarkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland,mas’uuliyiin kale iyo saraakiil ka tirsan maamulkaasi.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay agagaarka garoonka iyo qaybo kale oo kamid ah degmadaasi.

Luuq ayaa kamid ah meelaha haatan laga taageeray maamulka cusub ee uu Axmed Madoobe u magacabay Gedo, kaas oo uu hoggaamiyo Cabdullaahi Shimbir.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo ka bilaabo halkaasi, kuwaas oo looga hadli doono amniga iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Sayid Aadan uu usii gudbi doono degmooyinka kale, sida magaalada Baardheere halkaas oo uu booqan doono madaxweyne ku xigeenku.

Arrintaan ayaa ku timid, kadib markii ay dhowaan Jubbaland isku ballaarisay gobolka Gedo, oo muddo laga diidanaa, waxaana ay mugacowday maamul cusub.

Si kastaba, saddexdii sano ee lasoo dhaafay gobolka Gedo cagtooda ma dhigin wasiirrada, xildhibaanada iyo madaxda sare ee maamulka Jubbaland, haseyeeshee dadaal dheer kadib hadda wax badan ayaa iska bedelay nidaamkii maamul ee ka jiray gobolkaas.

361663724_743041810955152_83726200829218 361664451_743041524288514_48939437582747 361676473_743041730955160_69137023415671 361838659_743041557621844_23836890589348 361839632_743041647621835_66891631349073 361841265_743041600955173_30214811758659

The post Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo gaaray degmada LUUQ + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this