Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biden oo marti qaaday u fidiyay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu

Recommended Posts

Deeq A.   
e06c229a-59ba-4b32-9cdd-af0253e2cb80_w40

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Isniintii marti-qaad rasmi ah u diray ra’iisal wasaaraha dalka Israaiil Benjamin Netanyahu, si uu booqasho ugu yimaaddo dalka Maraykanka.

Marti-qaadkan ayaa loo fidiyey ra’iisal wasaaraha intii uu socday wada-sheekayshi dhinaca telefoonka ah oo dhexmaray labada hoggaamiye, maalin ka hor booqashoo uu madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ku tegayo Washington.

Netanyahu ayaa xilka ku soo laabtay lix bilood ka hor, hase ahaatee Biden ayaa marar kala duwan ku gacan-sayray inuu marti-qaad u fidiyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil.

Arrimaha ay isku maandhaafeen Maraykanka iyo xukuumadda garabka midig ee Israa’iil ayaa khuseeya, qulqulatooyinka ka jira daanta galbeed, iyo weliba tallaabooyinka ay qaaday xukuumadda Israa’eel ee ku aaddan deegaamaynta.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Biden oo marti qaaday u fidiyay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this