Sign in to follow this  
Deeq A.

Khamriilayaasha hubaysan oo aad looga cabanayo gudaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230718_104248119.jpg?resize=720

Magaalooyinka Puntland ayaa aad looga cabanaya kooxaha hubaysan ee lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga.

Kooxahan oo ku lebbisan tuutaha ciidamada dowladda ayaa xilliyada habeenkii ah  falal amni-darro ka sameeya magaalooyinka Puntland.

Caasimadda Garoowe ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga cabanayo kooxaha adeegsada maandooriyaha Khamriga oo habeenkii jidadka u soo baxa.

Kooxahan hubaysan ayaa falal amni-darro oo joogta ah ku haya shacabka waxaana xaafadaha qaarkood laga soo tebiyay in ay dhac ka geysteen.

Laamaha Amniga Puntland weli wax jawaab ah kama bixin cabashada xooggan ee laga muujinayo kooxaha hubaysan ee Khamriilayaasha.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan qaarkood ka tirsan yihiin ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland gaar ahaanna ciidanka Daraawiishta.

PUNTLAND POST

The post Khamriilayaasha hubaysan oo aad looga cabanayo gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this