Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maanta ku wajahan Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   
maxamuud-sayid-aadan-1.jpg?resize=660%2C

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa lagu wadaa in ay gaaraan degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Qaban-qaabada soo dhaweynta wefdiga madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa sida wararku sheegayaan saaka laga dareemaya degmada Luuq.

Mas’uuliyiinta Jubaland ee uu hoggaaminayo Maxamuud Sayid Aadan ayaa u kuur gala xaaladda degmada Luuq iyo guud ahaan Gobolka Gedo oo ay ku xeeran yihiin duruufo kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Jubaland iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maanta ku wajahan Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this