Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Sheegay in Badhasaabka Awdal Afduubay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Sheegay in Badhasaabka Awdal Afduubay

Hargeysa(Qaran)Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Awdal afduubay.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in uu afduubay guddoomiyaha cusub ee gobolka Awadal iyo odayaal la socday.

Sidoo kale waxa uu xusay in loo diley Shir-guddoonka wakiillada uma codayn kartid.

Waxa uu bulshada reer Awdal ugu baaqay inay ka tashadaan isla markaana aanay waxba ka dhageysan guddoomiyaha gobolka Awdal.

Waxaanu yidhi. “Huteelka Baraar ee magaalada Hargeysa ayaa afduub la igu gaystay, waxa i afduubay guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal.

Borama inta uu ka soo duulay isaga oo 10 oday wata, oo uu gurigii aan galayay iga soo toosiyay ayaanu Huteel Baraar wada tagnay, ilaa 11:00 duhurnimo ayaanu wada hadlay, fariinta siyaasadeed ee uu sidayna waxa ay ahayd reer Awdal matagi karaan Shir-guddoonka guddoomiyena kama noqon karaan.

Guddoomiyaha anigo ah xildhibaankiisiina la isoo beegsaday, la yidhi ‘uma codayn kartid reer Awdal’, anigana damiirkaygu wuu isiin waayay, sababto ah farba farta ku xigta ayaa lagu kabaa bini’aadamka.

Sodonka sano anago guddoomiye gole doonayna in ILLAAHEY nagu guuleeyana aanu rajjeynayno.

Haddaba reer Awdalow maanta uunbaa guulwadihii ugu weynaa, oo Muuse u ooyaya Nebi Maxamed, SCW, ayaa loo ooyaaye, ninka Somaliland ka ooyayso ka u ooyaya ayaa la idiinka soo dhigey guddoomiye gobol, in aanu dhex idiin ahayna waxa caddaynaysa in uu leeyahay nin reer Awdala looma codayn karo, muxuu taraya markaa?.

Anaga oo xildhibaano ah oo xasaanad leh ayaa iyada oo ciidan iyo odayaal la wato Huteelada sidaasi dhexdooda naloogu galayaa, wax shaqaynaya maaha.

Waar intay goori goor tahay guddoomiye idiinma noqon karro, dhexna idiinma noqon karo, Jufadiisa haw noqde kasiijeesta, wax aad ka dhageysataana yaanu jirin.

Haddii beri doorasho madaxtooyo timaado muxuu idinku sameyn? Ninka Shir-guddoon cidkale ah maanta u ooyaya, waxa la idiin soo diraya guul wadayaasha waal waalan, ee waalidu madax martay, intay goori goor tahay ka tashada.

Somaliland waa xor, waad Dimuquraadiyad, fikirkiisa qofku waa u xor, codkiisa waa u xor, dadnimadiisa waa xor, diintiisa waa u xor.

Waxaan aad uga xumahay oo isna la diley xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye, waad arkaysan naf lacaariga xisbiga KULMIYE, aniguna KULMIYE hore ayaan uga cibaadeystay”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this