Deeq A. Posted July 18, 2023 Qunsuliyadda Turkiga ee Somaliland oo xustay 7-guuradii ka soo wareegtay isku daygii afgambi ee 15-kii July Qunsuliyadda guud ee dalka Turkiga ku leedahay magaalada Hargeysa ayaa lagu xusay sannadguuradii toddobaad ee ka soo wareegtay afgambigii dhicisoobay ee sannadkii 2016-kii ka dhacay dalka Turkiga. Xaflad maanta lagu qabtay xarunta Hargeysa ayaa ku bilaabatay aamusnaan, waxaa goobta laga akhriyey aayado quraan ah oo lagu maamusayay dadkii halkaasi ku dhintay. Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, xildhibaano, aqoonyahano, hawl-wadeennada Macarif ee Hargeysa, iyo muwaadiniinta Turkiga ee ku sugan Somaliland, ayaa Qunsulka ku xigeenka Turkiga ee Hargeysa Onuralp Doğan Çakır oo ka hadlay xaflada ayaa u mahad celiyay ka soo qayb galayaasha xuska “xusuusta dadkii u huray nafahooda 15 july 2016 iyagoo difaacaya dimuqraadiyada Turkiga”. “Nasiib darrose, dalkeennu waxa uu noqday bartilmaameedka kooxo argagixiso oo kala duwan marar badan, maadaama qaybo badan oo adduunka ka mid ah maanta ay saameeyeen argagxisadu. Waxaana isku dayga afgambiga soo qorsheeyay mid ka mid ah kuwan: FETHULLAH GÜLEN ururka argagixisada ah (FETÖ), isla markaana ay fuliyeen xubnahooda. Waxay ku dhex milmeen ciidankii Turkiga ee sharafta lahaa. Waxay dileen 251 muwaadiniin, in ka badan laba kun oo kalena way ku dhaawacmeen…” ayuu yidhi. “FETÖ waxa ay fulisay falkii waxashnimada ahaa ee argagixisanimada waxa ayna wali wadaan inay isu muujiso dhaqdhaqaaq waxbarasho iyo samafal oo dibada ah iyo in ay bulshada dhexdeeda ka abuurto aragti marin habaabin ah. Iyada oo laga duulayo in argagixisadu ay tahay mushkilad caalami ah, waxa muuqata in FETO-ku khatar weyn keliya ku ahayn Turkiga, balse dhammaan dalalka ay ka hawl-gasho, sababtaas awgeedna waa in meel kasta lagula dagaallamo,” ayuu hadalkiisa ku daray. Qunsulka ku xigeenka Turkiga ee Hargeysa Mr. Onuralp Doğan Çakır ayaa isna u mahad celiyay dawladda Somaliland oo u muujisay taageerada Turkiga ka dib isku daygii afgambiga, isla markaana go’aamisay in dugsiyada Gülenist Terror Group (FETÖ) lagu wareejiyo hay’adda Turkiga Maarif Foundation. “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dhammaan masuuliyiinta iyo asxaabta Somaliland oo si buuxda u garab istaagay halgankayaga, sharaftana nagu maamuusay maantana nala jooga. Waxaa mahad iska leh wareejinta Iskuulka Feta-ku maamulayey oo door muhiim ah ku leh qabsoomida xafladan maanta lagu qabtay Iskuulka Macarif ee Turkiga”. “Waxaan jecelahay in aan idinkaga mahadceliyo adiga iyo dhamaan asxaabta Somaliland sida wadajirka ah ee aad isu garab taagteen dagaalka aan kula jirno argagixisada iyo Fettulah Gulen gaar ahaan ururka argagixisada ah ee Fettulah Gulen, sidii wanaagsanayd ee aad ula shaqaynteen mudadii dugsigan lagu wareejinayay Hay’adda Maarif Foundation, taasoo aan marnaba la ilaawi doonin”. FETO iyo hogaamiyahooda Fetullah Gulen ee fadhigoodu yahay Mareykanka ayaa abaabulay afgambigii looga adkaaday ee dhacay 15-kii July 2016, kaasoo ay ku dhinteen 252 qof, 2,734 kalena ay ku dhaawacmeen. Xukuumada Ankara waxa ay sidoo kale ku eedaysay FETO in ay ka danbeeyeen olole muddo dheer socday oo lagu doonayay in lagu afgambiyo dawladda iyada oo ay gudaha u galeen hay’adaha Turkiga, gaar ahaan militariga, booliiska iyo garsoorka. Gulen wuxuu ku noolaa musaafuris gudaha Mareykanka meel u dhow Saylorsburg, Pennsylvania ilaa 1999-kii. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites