Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale tegaya jiida hore ee dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
XASAN2.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in mar kale ay booqasho ku tegaan jiidda hore ee deegaanada lagula dirirayo Shabaab, sida ay innoo xaqiinjiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Madaxweynaha ayaa tegi doono Galmudug, gaar ahaan aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud oo kamid ah meelaha uu hadda ka socdo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo badan oo sugayo amniga ay dowladda Soomaaliya geysay halkaasi, sidoo kale waxaa ku sugan taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Aadan Cali oo isna shalay gaaray magaalada Galcad.

Ujeedka ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheekh uu kormeero xarumaha ciidamada, isla-markaana uu dhiiro-geliyo askarta Soomaaliyeed ee ku sugan jiida hore ee dagaalka.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay safarka Xasan Sheekh.

“Madaxweyniheynii maalmo kadib inuu safro oo dalka meelo gobollada ah inuu tego inuu halkaas fariisto uu ku hoydo uu ku harsado oo waqti ku qaato madaxdii halkaas tegaan iyadoo ay tahay qorshaha ay wadaan sidii loo soo afjari lahaa fikirka Khawaarijta” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay qaataan doorkooda, isla-markaana ay ku biiraan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Khawaarijta haloo soo jeesto, ha lala dagaallo, hana la’iska ilaaliyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u booqday jiida hore ee dagaalka, isaga oo tegay furimaha hore ee HirShabelle iyo Galmudug oo uu mar kale hadda soo booqanayo.

The post XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale tegaya jiida hore ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this