Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Taliyaha ciidanka dhulka oo farriin dagaal u gudbiyey ciidan ku sugan Galcad

Recommended Posts

Deeq A.   
Taliyaha-ciidanka-dhulka-ee-xoogga-dalka

Galcad (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Axmed Aadan Cali ayaa maanta gaaray degmada Galcad Gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisin u ah cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka.

Taliyaha ayaa maanta halkaas kula hadlay ciidanka, isagoo ka warbixiyey qorshaha dagaal ee dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu bilaaba doono dagaal aan joogsa doonin.

“Dagaal adag ayaan ku jirnaa sidaan ayaan u lebisnaa doonaa ilaa cadowga aan ka tirtirno dalkeenna, ciidankaan waxay ka dhabeeyeen balantii ay qaadeen iyo kitaabkii ay mareen, laakiin waajibaad culus ayaa dhiman,” ayuu yiri.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa geesiyaasha qaranka ee Galcad ku sugan kula dardaarmay inay ka dhasheen oo ciidan u yihiin dal burburay oo sagxada soo taabtay oo dadkiisii uu qaxooti yahay, qaarna xabsiyada caalamka uu ku xiran yahay.

“Cid noo maqan ma jirto, waxaan ku qasbanahay in dalka, dadka iyo diinta aan ka difaacano cadowga, waana guuleysanay, waana sii dhameystireynaa guushaan oo ciidanku dhexda ha u xirto,” ayuu yiri Jeneraal Axmed Aadan Cali.

Taliyaha ciidanka dhulka markii uu tegay Galcad wuxuu soo kormeeray fariisimaha ciidanka ee degmadaas iyo deegaanada hoos taga, wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiisha hoggaaminaysa ciidankaan jooga furimaha dagaalka.

Jeneraal Axmed Aadan Cali ayaa warbixinno ka dhagaystay saraakiisha ciidanka, iyagoo uga warbixiyey xaalada ay ku sugan yihiin ciidanku, wuxuuna Talyuhu ku amaanay guulihii ay ka gaareen howlgaladii u dambeeyey ee lagu qaaday Khawaarijta.

“Khawaarijtu arxan malaha, ciidanka waxaan farayaa inay u diyaar-garoobaan wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta, culimadeenu waa ka fadwootay, waxaana dooneynaa inaan iska soo afjarno,” ayuu yiri.

Gobollada dhexe ee dalka waxaa ka socda diyaar-garow militeri oo xoog leh, madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo saldhig ka dhiga doona Dhuusamareeb ayaa la sheegay in dagaalkaan uu hoggaami doono, isla markaana ay dowladdu qorsheysay in todobaadyada soo socda gobollada Galmudug iyo HirShabeelle laga soo ciribtaro kooxda.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Taliyaha ciidanka dhulka oo farriin dagaal u gudbiyey ciidan ku sugan Galcad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this