Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Xubnood oo qaadacay Go’aankii ka soo Baxay Xubnihii Komishanka ee Xukuumaddu Dhaqdhaqaajisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba Xubnood oo qaadacay Go’aankii ka soo Baxay Xubnihii Komishanka ee Xukuumaddu Dhaqdhaqaajisay

Hargeysa(Qaran news)- Afhayeenkii Komishanka doorashooyinka Qaranka Cabdicasiis Xirsi Warsame ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka ay soo saareen garabkii Xukuumaddu u yeedhisay shaqadooda ee sheegay in doorashada ururrada ee bilaa xeerka ahi ay soo horeynayso.

Cabdicasiis Xirsi wuxuu sidaas ka sheegay Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen komishineer Ibraahim, waxaanay sheegeen in go’aanka maanta soo baxay uu ahaa mid lagu soo diyaariyay madal ka baxsan xarunta Komishanka oo sharci darro ah isla markaana aanay ku kala duwan yihiin 5 xubnood ee kale oo ka tallaabsaday sharciyadii.

Waxay tilmaameen in aan la tixgelin qaraaro dhawr ah oo xal keeni lahaa oo ay u soo bandhigeen xubnaha kale ee komishanka doorashooyinka.

Tallaabadan Komishanku ku kala qaybsamay ayaa dalka u horseedaysa khilaaf hor leh, maadaama beelo ka mid ardaayada waaweyn ee dalku ay sheegeen in aanay deegaannadooda ka qabsoomi doonin dporashada Ururrada ee Madaxweyñe Muuse Biixi jujuubka ku meelmariynayo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this