Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin ka cusub qorshaha ay DF kusoo daabaceyso lacag cusub + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
361404249_635214645374352_66387371223826

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday qorshe lagu soo daabacayo lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo hadda sii idlaaneysa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta kulan la qaatay guddiga dib-u-daabacidda lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo lacagta dalkeenna.

Dib usoo nooleynta Shillin Soomaaliga ayuu sheegay inay qeyb ka tahay sidii wax looga qaban lahaa sicir-bararka iyo nolosha adag ee ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran ee dib u habeynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka, iyada oo ay socoto dhismaha iyo howl-gelinta xarummaha Bangiga dhexe ee dowlad-gobolleedyada.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in la ballaarinayo la-tashiyada iyo hagidda daabicista lacag-ta uu yeelanayo dalkeennu oo ay door ku wada yeelanayaan dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.

Dhankooda, Guddiga hagidda mashruuca kal-kaal ee dib-u-daabicidda Shilin Soomaaliga ayaa ra’iisul wasaaraha warbixin dhameystiran ka siiyey halka uu marayo mashruucani iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo, si uu dalku u yeesho lacag cusub.

Ugu dambeyntiina kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee lagu daabacay dalka Suudaan, howl-galinta xarumaha Bangiga Dhexe ee dowlad-goboleedyada, iyo qorshaha dhaw dib-u-daabicidda lacagta Shillin Soomaaliga ah.

361385373_635214568707693_50092470275070

361404249_635214645374352_66387371223826

361616747_635214318707718_13668432210428

361618866_635214292041054_54886375457227

361603318_635214378707712_33158403219507

361403563_635214355374381_61552165316824

361553295_635214582041025_79248805360475

361339511_635214608707689_77402224330082

361393330_635214635374353_79561547027270

361579057_635214658707684_89900676128929

The post Arrin ka cusub qorshaha ay DF kusoo daabaceyso lacag cusub + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this