Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo heshay hubka culus oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca

Recommended Posts

Deeq A.   
LAPD_Bell_206_Jetranger.jpg?resize=527%2

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay in ay heshay noocyada kala duwan ee hubka culus oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Shiikh Cali oo wareysi siiyay VOA Somali ayaa sheegay in hubkan cusub loo adeegsan doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Ciidamada Soomaaliya ayaa markii u horraysay tan iyo burburkii dalka waxay ku hawlgeli doonaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan helicopter-ka sida uu xaqiijiyay Xuseen Shiikh.

“Dowladda Soomaaliya waxay heshay hub kamid ah kuwii xaaraanta ka ahaa ee lagu adkayn jiray. Qaarkood saaxiibo ayaa soo siiyay qaarna way soo gadatay” ayuu yiri la-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

“Hubkaas waxa ku jira diyaaradaha helicopter-ka, hoobiyaasha waaweyn ee 120mm ah iyo qoryaha loo yaqaan ZU-ga” ayuu sii raaciyay

La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Amniga Qaranka ayaa sheegay in tallaabadan dowladda Soomaaliya qaaday kadib markii laga khafiifiyay cuna-qabataynta hubka ee saaran dalka.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo heshay hubka culus oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this