Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Somaliland oo si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka maamulkaas

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689602204942.jpg?resize=720%2C30

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u cayimay jadwalka doorashada xisbiyada iyo tan madaxtooyada maamulkaas.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa lagu go’aamiyay jadwalka kala horraynta doorashada xisbiyada iyo midda madaxtooyada Somaliland.

Qoraalka guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada xisbiyada Somaliland la qaban doono taariikhdu marka ay tahay 28 December ee sannadkan 2023.

Doorashada madaxtooyada Somaliland ayuu sidoo kale sheegay in la qaban doono bil ka hor dhammaadka mudda xilkeedka xilka madaxweynaha oo ku beegan 13 November ee sannadka 2024.

Halkan ka akhriso go’aanka guddiga

FB_IMG_1689598855339.jpg?resize=675%2C92 FB_IMG_1689598862768.jpg?resize=670%2C91

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashada Somaliland oo si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka maamulkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this