Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka Hadlay Dhaawac soo Gaadhay iyo Ciddii soo Weerartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka Hadlay Dhaawac soo Gaadhay iyo Ciddii soo Weerartay

Hargeysa(Qaran)-Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay inuu dhaawacyo fududi ka soo gaadheen kadib markii wax uu ku sheegay budhcad abaabulani soo weertay.
Xildhibaan Jamaal Aadan wuxuu sidaas ku sheegay war-qoraal ah oo uu ka soo saaray dhaawaciisa iyo cidda soo weerartay “Waxa uu dhawac fudud iga soo gaadhay budhcad abaabulan oo igu soo qaaday weerar aniga oo ku guda jira shaqo maalmeedkaygii, Ilaahay ayaa mahad iska leh,”ayuu yidhi Xildhibaan Jamaal oo farriin kooban ku baahiyay facebookgiisa.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in nimankii weeraray ay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska waxaanu yidhi “Waan fiican nahay, nimankii falkaas geystay waxa ay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska , cidda ka danbaysa iyo waxa ay yihiin waxa ay ka soo bixi doontaa baadhitaanka ciidanka.”
Mudanuhu waxa kaloo uu sheegay in waxyeello laga gaadhsiiyay gaadhigiisii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this