Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: CALI JEYTE oo ka faa’iideystay ciidan maamulka HirShabeelle ka gadooday

Recommended Posts

Deeq A.   
359494460_766741092125528_68791259062661

Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan balse la sheegay in dhawaan loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State ayaa ka faa’iideystay gadood ay shalay magaalada Beledweyne ka sameeyeen ciidan ka tirsan kuwa Booliska HirShabelle ee ka hawlgala magaaladaasi.

Ciidamadan oo ka cabanaya dhowr bilood oo aysan wax mushaar ahi qaadan ayaa xiray qaybo ka mida waddooyinka Magaalada Beledweyne, iyaga oo hakad geliyay isu socodkii gaadiidka ee magaaladaasi.

Xubno ka tirsan Maamulka Cali Jeyte ayaa ciidamadaasi ku qanciyay in ay gadoodka joojiyaan, isla-markaana ay ku soo biiraan Ciidanka Daraawiisha Hiiraan State, iyagoo ballanqaaday in Maamulka Hiiraan State uu xuquuqdooda siin doono, taas oo ay aqbaleen.

Cabdicasiis Axmed Caddow (Jaaburi) oo Cali Jeyte uu u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ciidamada la hadlayay ayaa sheegay in maamulka Hiiraan State uu bil walba mushaar ahaan u siin doono lacag dhan laba boqol oo dollar ($200), halka ay markii hore qaadan jireen boqol dollar ($100).

“Waxaa ballan iyo axdi ah inaad xuquuqdiina heshaan, waxaa ballan ah inaydaan dayacmin, maanta wixii laga bilaabo waxaan rabnaa inaad la shaqeysaan bulshadiina iyo maamulkiina, wixii maanta ka dambeeyana xaqiina iyo xuquuqdiina diyaar annagaa la ah, anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha Hiiraan State, Madaxweyne Kuxigeenka iyo bulshada Hiiraan,” ayuu yiri Cabdicasiis Jaaburi.

Jaaburi ayaa yiri “Meeshii aad boqol dollar ka qaadan jirteen, waxaa ballan ah Maamulka Hiiraan State inuu laba boqol oo dollar bishan gudaheed idinkaga dhigo ay 14-ka maalmood ka dhiman tahay, wada shaqayn wacan, waddadana hala furo.”

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Cali Jeyte ayaa lagu sheegay in ciidankan oo gaaraya 250 askari aanay muddo afar bilood wax mushaar ahi ka helin HirShabelle.

Ciidamada ayaa la sheegay in markii dambe la geeyay goobta uu ka socdo Dhismaha Madaxtooyada cusub ee ay Hiiraan State dhisaneyso.

Dowlad Goboleedka HirShabelle iyo Gudoomiyaha magacaaban ee Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) oo qudhiisu ku sugan Magaalada Beledweyne ayaan weli ka hadlin ciidamada ka goystay maamulka.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Ciidamada HirShabelle ay ku kala qaybsamayn xil ka qaadistii uu Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu bishii hore ku sameeyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Beledweyne ayaa waxaa muddo bil ah ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistaasi.
361592278_766740958792208_47487548465862 361411012_766741005458870_21981640811125 361607742_766741075458863_57035830724234 361212887_766733855459585_65156174816348 361597829_766740965458874_49934556941704 359499063_766741055458865_70195122261963 359494460_766741092125528_68791259062661 359487069_766741128792191_82697839422217 361589745_766740992125538_45487245271781 361592124_766741112125526_30349319363667 361598487_766741022125535_17439650776377 361578435_766741038792200_36152485186981

The post Sawirro: CALI JEYTE oo ka faa’iideystay ciidan maamulka HirShabeelle ka gadooday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this