Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska dowlad degaanka Soomaalida oo soo qabtay nin dil ka geystay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689531893259.jpg?resize=720%2C48

Booliska dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ciidanka Booliska Puntland u soo gacan geliyay nin ku eedaysan dil oo ka baxsaday degaannada Puntland.

Cabbdifitaax Cali Warsame (Buur-madow) oo ku eedaysan dil ka dhacay degaanka Mayle ee Gobolka Mudug ayaa laga soo qabtay gudaha dowlad degaanka Soomaalida DDS.

Booliska Puntland ayaa sheegay in eedaysane Buur-madow oo u baxsaday dhanka dowlad degaanka Soomaalida ay gacanta ku soo dhigeen Booliska DDS kadibna u soo gacan geliyeen Puntland.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa la wareegay Cabdiftaax Cali Warsame (Buur-madow) oo ku eedaysan inuu geystay fal dil ah kaas oo ka dhacay deegaanka Mayle oo ka tirsan Gobalka Mudug” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Booliska Puntland.

“Iskaashi balaaran oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska Puntland iyo Ciidanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa u suurta gashay in gacanta lagu soo dhigo, iyada oo ay la wareegeen Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Mudug” ayuu ku sii daray warkaas.

PUNTLAND POST

The post Booliska dowlad degaanka Soomaalida oo soo qabtay nin dil ka geystay Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this