Deeq A. Posted July 17, 2023 Roobab Waaweyn oo ka Da’ay Kuuriyada Koonfureed iyo Khasaaraha ka Dhashay Kuuriya(Qaran)-Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay dalka Kuuriyada Koonfureed kadib markii roobab xooggan oo dalkaa ka da’ay ay 15 baabuur ku xannibeen dhuun weyn ay biyuhu ka baxaan Shaqaalaha gurmadka ee dalkaasi ayaa toddobada qof ka soo saaray dhuuntan oo ku taallay dhulka hoostiisa sida ay sheegeen warbaahinta dalkaasi. Mahiigaannada dalkaasi ka da’aya ayaa sababay fatahaado baahsan iyo meelaha qaarkood oo dhulku go’ay iyo waliba dhaamamka oo buux dhaafay. Ugu yaran 400 oo ka mid ah shaqaalah gurmadka ayaa ku hawllan baadigoobka dad kale oo waliku go’doonsan dhuuntaasi biyuhu maraan oo ku taalla magaalada CHengujuu ee badhtamaha dalkaasi halkaasoo baabuur badan ay biyuhu u la tageen Sabtidii sida ay sheegeen masuuliyiinta magaaladaasi. Roobabka ka da’aya dalkaasi Kuuriyada Koonfureed ayaa la sheegay inay u badan yihiin inta u dhaxaysa bilaha June illaa badhtamaha September ee bisha sagaalaad kuwaasoo inta badan roobaba xooggan oo khasaare geystay Qaran News Share this post Link to post Share on other sites