Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobab waaweyn oo ka da’ay

Recommended Posts

Deeq A.   

Roobab Waaweyn oo ka Da’ay Kuuriyada Koonfureed iyo Khasaaraha ka Dhashay

Kuuriya(Qaran)-Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay dalka Kuuriyada Koonfureed kadib markii roobab xooggan oo dalkaa ka da’ay ay 15 baabuur ku xannibeen dhuun weyn ay biyuhu ka baxaan

Shaqaalaha gurmadka ee dalkaasi ayaa toddobada qof ka soo saaray dhuuntan oo ku taallay dhulka hoostiisa sida ay sheegeen warbaahinta dalkaasi. Mahiigaannada dalkaasi ka da’aya ayaa sababay fatahaado baahsan iyo meelaha qaarkood oo dhulku go’ay iyo waliba dhaamamka oo buux dhaafay.

Ugu yaran 400 oo ka mid ah shaqaalah gurmadka ayaa ku hawllan baadigoobka dad kale oo waliku go’doonsan dhuuntaasi biyuhu maraan oo ku taalla magaalada CHengujuu ee badhtamaha dalkaasi halkaasoo baabuur badan ay biyuhu u la tageen Sabtidii sida ay sheegeen masuuliyiinta magaaladaasi.

Roobabka ka da’aya dalkaasi Kuuriyada Koonfureed ayaa la sheegay inay u badan yihiin inta u dhaxaysa bilaha June illaa badhtamaha September ee bisha sagaalaad kuwaasoo inta badan roobaba xooggan oo khasaare geystay

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this