Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ciidamo ku biirisay xiisad qabiil oo ka taagan Gobolka Togdheer

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230717_023547621.jpg?resize=646

Xiisad colaadeed ayaa ka aloosan miyiga Dhaal-maygaag oo u dhexeeya degaannada Horufadhi iyo Qorilugud ee Gobolka Togdheer

Xiisadda oo ku salaysan muran dhuleed ayaa ka dhex taagan laba beelood oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Labada beelood oo dhawaan halkaas ku dagaallamay ayaa sida wararku sheegayaan weli is hor-fadhiya waxaana socda dhaq dhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac ah.

Ciidamo ka tirsan Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale ku soo biiray xiidadda taagan sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay.

Ciidamada Somaliland ku biirisay dhinac kamid ah beelaha dagaallamay ayaa sidoo kale lagu tilmaamaya tallaabo uga sii daraysa xiisadda taagan.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo ciidamo ku biirisay xiisad qabiil oo ka taagan Gobolka Togdheer appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this