Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada taabacsan mucaaradka Puntland oo beeniyay in ay dhaq dhaqaaq ka wadaan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689552049590.jpg?resize=718%2C37

Ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga faafiyay.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Danab ee taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ayay ku beeniyeen in ay dhaq dhaqaaqyo ciidan sameeyeen.

Ciidankan oo ku sugan Taliska Ligle ee duleedka caasimadda Garoowe ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ka socda dhankooda.

“Ciidanka Kumaandooska Danab Puntland waxay bulshada Puntland gaar ahaanna kuwa caasimadda Garoowe u caddaynayaan in aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ka jira dhankeena” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidanka Danab ayaa sidoo kale ku baaqay in shacabka laga daayo bara-kicinta islamarkaana ay ka waan-toobaan dadka weli hurinaya dhiillada colaadda.

FB_IMG_1689541791267.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Ciidamada taabacsan mucaaradka Puntland oo beeniyay in ay dhaq dhaqaaq ka wadaan Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this