Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Kormeeray Xafiisyada Guddiyada Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xafiisyada guddiyada ee Golaha Shacabka BJFS.
Guddoomiyaha ayaa u kuur galay shaqada ka socota guddiyada, kuwaas oo ku howlan kor-joogteynta hay’adaha dowladda iyo sida ay u socdaan kulamada guddiyada. Waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhiirageliyay xildhibaannada in ay ilaaliyaan joogitaanka kulamada.
Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay guddiyadda shaqooyinka baaxadda leh, la xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda. Guddiyadda maanta sida gaar ah u kormeeray waxaa ka mid ah Guddiga Arrimaha Bulshada, Guddiga Gaadiidka, Tamarta iyo Garoomada Diyaaradaha, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Difaaca.
347608600_733719955461280_41771160208319
347601157_733719778794631_54196658579202
348315947_733719918794617_16411382419758
347601484_733719512127991_49331823791748
347625028_733719545461321_50580193074225
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this