Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlayay Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka amniga kaasoo looga hadlay xaaadda guud amniga ee Galmudug, amniga caasimadda iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab.

Shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka xoogga dalka ay ku jiraan qaban qaabadii ugu dambeysay ee ay ku doonayaan in ay kula wareegaan degmada Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoos taga,  cidankii ugu badanaa ayaa la geeyay Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helayo kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay dhowr deegaan oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana dowladdu ku dhawaaqday in Wajiga labaad ee dagaalka laga fulayo Hirshabeelle iyo Galgaduud.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this