Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada cusub ee ilaalada xarunta gobolka Banaadir oo lasoo bandhigay

Recommended Posts

Deeq A.   
360140108_733640322135910_13911735494048

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta gobolka Banaadir lagu soo bandhigay ciidamada cusub ee amniga xarunta, si ay uga hortagaan weerarada kooxda Al-Shabaab oo kal hor bartilmaameed ka dhigatay.

Ciidamada maanta lasoo bandhigay ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee xarunta maamulka gobolka Banaadir loogu tala-galay amnigeeda inay ilaaliyaan.

Bandhiga ciidamadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guddoomiye ku-xigeenka amniga, siyaasadda maamulka gobolka iyo masuuliyiin kale.

Bandhigan ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa dardar-gelinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar, iyada oo ciidamada ilaalada ah la faray inay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Xarunta maamulka gobolka ayaa horraantii sanadkaan waxaa weerar ku qaaday dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo dhimasho iyo dhaawac geystay, waxayna ciidamada lasoo bandhigay kaalin mug leh ka qaadan doonaan amniga xarunta.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar-galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaasi oo uu ku wehliyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga, siyaasada maamulka gobolka.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee ciidanka Birimadka Booliska Soomaaliyeed ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Sidoo kale waxay ku bogaadiyeen sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii dhicisoobay oo ay argagixisada 22-January ee sanadkaan kusoo qaadday xarunta gobolka Banaadir.

360140108_733640322135910_13911735494048 359796151_733640348802574_63799718228583 359756959_733640385469237_90778210128862 360108548_733640398802569_84612843297104 360154226_733640282135914_80011291310937 359828346_733640298802579_71097230533209 360131276_733640335469242_84950307754752 360122249_733640242135918_29860830651781 360148706_733640275469248_11462356092510 359437982_733640355469240_65849429263303 359814249_733640428802566_61450359514244

The post Sawirro: Ciidamada cusub ee ilaalada xarunta gobolka Banaadir oo lasoo bandhigay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this