Xudeedi Posted September 20, 2010 Muqdisho: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta sheegay inay si rasmi ah ula wareeegeen Idaacadda iyo Telefishinka GBC Hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah uu ururkiisu ula wareegay idaacadda iyo telefishinka GBC oo ka mid ahaa kuwa madaxabannaan ee ka howlgala Muqdisho. "Maanta wixii ka dambeeya idaacadda iyo telefishinka GBC, waxay ku hadli doonaan afka ururka Xisbul Islaam, waxaana uga mahadcelinaynaa maamulkii hore wareejinta ay nagu wareejiyeen," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo xiligaas uu garab-taagnaa milkiilihii GBC Yuusuf Axmed Geelle. Ciidamo ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa tan iyo xalay ilaalo ka hayay xarunta idaacaddan oo ku taalla degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyn maanta duhurkii lagu dhawaaqay inay Xisbul Islaam la wareegeen. "Waxaan ku wareejinnay idaacadda iyo telefishinka maamulka ururka Xisbul Islaam, iyadoo aanay jirin wax khasab ah, waxaana ugu baaqaynaa maamulka inay ugu shaqeeyaan shacabka si wanaagsan," ayuu yiri Geelle oo shirka jaraa'id ka hadlay. Idaacaddan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Xisbul Islaam ay la wareegaan, iyadoo mas'uuliyiintooda ay sheegeen inay isbadal ku sameyn doonaan qaabka ay ku shaqeyso, ayna badali doonaan erayada ay adeegsato. Maamulka idaacaddii iyo telefishinkii Hornafrik ayaa sheegay in dhammaan qalabkii idaacadda la qaatay, waxaana idaacaddaas habeen hore gudaha u galay ciidammo ka tirsan kuwa Xarrakatul Shabaab. Maxamed Ciise Maxamuud_Dhahar Online Mociise@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted September 20, 2010 but the q is what will they do with it? they are reduced to sit on the sidelines on the real contest, so I dont really see the value of capturing a radio station. alshabaab outdone them on that account Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted September 20, 2010 but the q is what will they do with it? they are reduced to sit on the sidelines on the real contest, so I dont really see the value of capturing a radio station. alshabaab outdone them on that account Quote Share this post Link to post Share on other sites