Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhinacyada Suudaan oo wada-hadallo ku yeelanaya dalka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-d1c0-08db402947e3_w40

Wakiilo ka socda Suudaan ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga si ay dib u billaabaan wada-hadallada ay la leeyihiin Jabhadda Rapid Support Forces (RSF).

Wada-hadaladii hore ee Jeddah oo ay fududeeyeen Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayay labadda dal hakiyeen horraantii bishii June kadib markii dhowr jeer la jebiyey xabbad-joojinta.

Sucuudiga iyo Mareykanku Wali ma aysan xaqiijin in dib loo bilaabayo wadahadalka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Suudaan.

Dhanka kale, isku day dhexdhexaadin ah oo Masar ay bilowday Khamiistii, ayaa waxaa soo dhaweeyay militariga Sudan oo xiriir dhow la leh Masar iyo RSF.

PUNTLAND POST

The post Dhinacyada Suudaan oo wada-hadallo ku yeelanaya dalka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this