Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Khadar Guun oo sheegay in Muuse Biixi Doorashada ka Baqayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Khadar Guun oo sheegay in Muuse Biixi Doorashada ka Baqayo

Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Khadar Guun oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo laga soo doortay Gobolka Maroodijeex, kana tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in KULMIYE laga kala tagay oo uu dhex taagan yahay uun Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbigaas Axmed Cabdi Dheere.

Xildhibaan Khadar Guun oo maanta lagu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dagaalka ku dhacay Gobolka Sool, waxaanu ku cambaareeyay Xukuumadda Madaxweyne Muuse.

“Aan Maamul xumaado oo aan idinla meeraysto, maamuusna yaanan waayin ee madaxweyne I dhaha intaa Muuse Biixi iyo waxa laga helaa maamulka KULMIYE. dhici mayso oo shacbigu wuu ka gilgilanayaa. ma maqasheen ninkii Carbeed ee yidhi maafishkaba keen oo maraqa ku soo badi. maanta Muuse markii la yidhi maafishkaba keen wuu ka baqayaa oo kuma dhaci karo doorasho. KULMIYE anigaa dhex joogay oo imika ka imi saaxiibkay Axmed Cabdi Dheere ayaa dhex taagan oo furayaasha haya, qoortaaba casaatay siduu mafaatiixdii xafiiska u hayay.
waxa kaloo uu tilmaamay inuu ka xun yahay dagaalka ka dhacay gobolka Sool, waxaanu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii ay ka baxeen dadkii ka dhintay labada dhinacba.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this