Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda oo Dhexgashay Khilaafka Iskaashatada Gaadiidka Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda oo Dhexgashay Khilaafka Iskaashatada Gaadiidka Berbera

Hargeysa(Qaran)-Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed ayaa kulan la qaatay iskaashatada gaadiidleyadda xamuulka Towfiiq ee ka shaqeeya Magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Togdheer.

Kulankan waxa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Cabdinaasir Caydiid Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali Case), agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Muuse Jaamac Maxamed iyo agaasimaha Waaxda gaadiidka ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdikariin Baashe Cabdilaahi.
Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka ayaa intii uu socday waxa lagu falanqeeyay sidii loo soo xal waara looga gaadhi lahaa khilaaf muddooyinkii u danbeeyay u dhaxeeyay iskaashatada gaadiidleyda xamuulka ee magaalada Berbera.
Gaba’gabadii waxaa shirkaasi lagu soo afmeeray is afgad iyo kulamo danbe oo la xidhiidha sidii loo xalinlahaa khilaafkaasi isla markaana go’aano looga soo saarilahaa.

IMG-20230716-WA0005.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this