Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Xasan Sheekh oo ku mari la’ dagaal ka dhan ah madax goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-iyo-madax-goboleedyada-scaled.jpeg

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu mari la’yahay dagaal ka dhanka ah madaxda maamullada, oo ay qabaan qaar kamid ah kooxdiisa.

Markii dib loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa la filayay inuu bixin doono ragga gobollada xukuma oo ay qaar xoog ku sameysay dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo.

Laakiin taasi ma dhicin. Waxaa jira xubno kamid ah kooxda madaxweyne Xasan Sheekh oo damac xooggan kaga jiro hoggaanka Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxaa la xaqiijiyay inay marar badan isku dayeen inay madaxweynaha ku riixaan inuu dagaal la galo ragga hoggaamiya Galmudug, HirShabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, laakiin taas weli waa la marsiin la’yahay madaxweynaha.

Shirkii dhawaan kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ee u dhaxeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha mucaaradka ayaa markale daaha ka qaaday in uusan madaxweynaha rabin in maamullada laga jajabiyo.

Inkasta oo xubno mucaaradka kamid ah ay dusiyeen war-murtiyeed qabyo ah oo ay ku muujiyeen inay xooga ogolaansho ah heshay diidmadooda muddo kororsiga maamullada, haddana Villa Somalia waa ka gaabsatay in mucaaradka ku raacdo war-murtiyeedkaas.

Dhamaan qeybaha warbaahinta ee dowladda Soomaaliya laguma faafin qoraalkaas. Madaxweynuhu meel adag ayuu ka istaagay sida ay rabeen siyaasiyiinta mucaaradka in loo wajaho maamul-goboleedyada.

Sababta ayaa ah waxa ugu badan ee ay dadku is-weydiinayaan, maadaama ragga maamullada xukuma ay wax taageero ah u fidin Xasan Sheekh markii uu musharaxa ahaa.

Illo ku dhow-dhow madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga soo xiganaya in sababta madaxweynaha u diiday in maamullada la colaadiyo ay la xiriirto dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan wuxuu u wareegi doona Galmudug, halkaas oo uu fadhi ka sameysan doono waqti aan la xadidin, si uu halkaasi uga hoggaamiyo dagaalka, kadibna waxaa u xigi doonta Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Xasan Sheekh waxa uu rabaa in madaxda maamullada ay kala qeyb qaataan dagaalka, oo ay daacad ka noqdaan shaqadaas. Si uu uhelo kalsoonidooda iyo daacadnimadooda dagaalka ayaa sabab u ah in uusan isagu la galin dagaal siyaasadeed, sidoo kalena uu ka celiyo xubnaha kooxdiisa ee raba in la bixiyo madaxda maamullada.

La-dagaalanka Al-Shabaab wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh u yahay hadafka koowaad, waa macquul inay jirto tabar yari ama farsamo xumo, laakiin waxa ugu weyn ee marwalba laga soo tabiyo madaxweyne Xasan Sheekh waa ka go’naashihiisa dagaalka Al-Shabaab.

Si walba oo taas looga dhabeyn karo oo ay ku jirto in aan madaxda maamullada la colaadsan ayuu u dhaqaaqay Xasan Sheekh, sida laga soo xiganayo xubnaha isaga ku dhow-dhow.

Ma ku faa’iidi doona difaaca uu u sameynayo madaxda maamullada, iyagu’se dagaalka daacad ma uga qeyb qaadan doonaan, waa su’aallo waqtiga loo dhaafi doono jawaabtooda.

The post Kooxda Xasan Sheekh oo ku mari la’ dagaal ka dhan ah madax goboleedyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this