Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Kulan la yeeshay Gudoomiyaashii ka horeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689485614995-615x410-1.jpg?resiz

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hooygiisa Kulan casho ah ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxa ka qayb galay Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulankaan casho sharafta ah.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Aadan Madoobe oo Kulan la yeeshay Gudoomiyaashii ka horeeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this