Sign in to follow this  
Deeq A.

36 ajaanib ah oo mar kale maanta Maxkamad lagu soo taagay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
maxkamaddaa55555555555-860x486-1.png?res

36 ajaanib ah oo ku eedaysan kalluumeysi sharci-darro ah ayaa maanta mar kale maxkamad lagu soo taagay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegeysiga dacwad loo haysto 36 Eedeysane oo hore ay xukun ugu riday  Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Xeer ilaaliye ku-xigeen guud ee Maxkamadda Racfaanka Yaxye Maxamuud Siciid ayaa gar-maqalka maanta ka sheegay in ay Maxkamadda hor keenayaan dhamaan cadaymaha lagu hayo 36 eedaysane.

Dhammaan Raggan ku eedaysan kalluumeysiga sharci-darrada ah waxa gacanta ku soo dhigay Ciidanka Ilaalada Xeebaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

The post 36 ajaanib ah oo mar kale maanta Maxkamad lagu soo taagay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this