Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Keenay Xaaladda Degdega ah ee lagu soo Rogay Nigeria

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaa Keenay Xaaladda Degdega ah ee lagu soo Rogay Nigeria

Nigeria(Qaran)Madaxweynaha Nayjeeriya Mr. Bola Tinubu ayaa si rasmiya ugu soo rogay dalkiisa xaalad deg deg ah, kadib markii shacabka dalkaasi ay soo food saartay xaalad cunto yaraan ah.

Xaalada cuno yaraaneed ee ka jirta dalkaasi ayaa sabab looga dhigay nabadgelyo darada dalkaasi oo saamayn ku yeelatay dadka beeraleyda ah oo afduub iyo dilal joogta kala kulma budhcada hubaysan.

arrinta kale ee sababtay cunta yaraanta dalkaasi ka jirta waxaa lagu sheegay dagaalada inta badan dhex mara dadka lo’da dhaqda iyo kuwa beeraleyda ah.

Hase yeeshee qaramada midoobay war bixin ay soo saartay sanadkan ayey ku sheegtay inay ilaa shan iyo labaatan milyan oo qof oo reer Nayjeeriya ah ay ku jiraan xaalad cuno yaraan ah, taasoo xukuumadda dalkaasi qorsheysay in lagu taakuleeyo lacagtii lagu kabi jirey qiimaha shidaalka.

QM oo ku Gacan Saydhay Qorshe ka soo baxay Suuriya

Newyork(Qaran)-Go’aan ka soo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay inaan la aqbali Karin sharuudaha ka soo yeedhay xukuumadda Suuriya ee ku aadan habka qaybinta gargaarka ee la gaadhsiinayo dadka u baahan eek u sugan goobaha ay ka taliyaan mucaaradka hubaysani.

Xukuumadda Suuriya ayaa ogolaatay in gargaarkau u soo maro dalka Turkiga gaar ahaan marinka babul Hawo ee u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suuriya.

Hase yeeshe waxay arrintan ku xidhay labo sharuudood oo qaramada midoobay ka biyo diiday, ah in xukuumadda Suuriya korjoogtayn ku lahaato qaybinta gargaarka si aanay uga faa’iidaysan kooxaha mucaaradka ah oo ay xukuumadda Suuriya u aqoonsan tahay argagixiso, sharuuda kale ayaa ah in qaramada midoobay hayadaheeda u qaabilsan gargaarka ay wada shaqayn la yeeshaan laannqarayta iyo bisha cas taas oo aan wax hawl ah ka fulin Karin deegaanada ay mucaardku maamulaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this