Deeq A. Posted July 16, 2023 Waxaan leenahay hal cadow oo la yiraahdo Al-Shabaab. Qof kasta oo naga mid ah dhibkoodu si ayuu u sameeyay. Waxaa laga yaaba iney dileen ama dhib gaarsiiyeen waalidka, caruurtaada, lamaanahaagii, walaalka, saaxiibka, qof aad ehel tihiin, dariskaagii wacna ama ay naftaada wax gaarsiiyeen jir ahaan ama dhaqaale ahaan. Soomaalidu waxey ahaan jirtay dad aarsi badan, oo aan dulmiga cimri-siinin. Dhibaatada kooxdani waxey socota 15 sano. Qof walba oo aan ka tirsaneyn ama aan ku fikir aheyn wuxuu ugu jiraa qaanadda cadowga. Waxaa macquul ah in aad aaminsantahay hadii aad nabad galiso waa ka badbaadeysa, laakiin immisa ayey dileen oo aan waligood Af iyo Adin midna u qaadin, oo ay qaraxyo ku laayeen. Hal qof ayaa ka badbaadaya kooxdan waana midka iyaga raaca si uu gacan ku dhiigle u noqdo, oo uu u qarxiyo shacab Soomaaliyeed oo ku jira cibaado, ganacsi iyo waxbarasho. Waa suurta-gal inaad wali dhibkooda ka nabad qabtid laakiin hadaad maanta nagi tahay berri nabad ma heysid. (Micnaha inta ay argagixisadu kuu jirto ayuu dhibku kuu jira). Dadka Soomaalidu maanta ayey heystan fursaddii ugu dhoweyd oo ay kusoo afjari lahaayeen dhibaatada kooxdan, taasoo ah ciidan cusub oo diyaar ah, madaxweyne cabboon iyo kooxda oo dhaawacan. Dhammaadka bishan ama horaanta August waxaa bilaabanaya hadii Alle idmo wajiga labaad ee dagaalka sida aan xogta ku helay. Maadaama aaney jirin cid hubta in ay ka badbaadeyso dhibaatada kooxdan, waxaa shacabka Soomaaliyeed la gudboon iney ciidanka iyo Dowladda ku gacan siiyan in dhaawaca argagixisada la dhameystiro. Wajiga labaad ee dagaalku waa inuu dhalo dhammaadka argagixisada, joojinta dhiiga shacabka iyo dib u dhiska dalka iyo dadka. The post Yaa ka badbaadaya Shabaab? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites