Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Yuu XASAN u wadaa madaxweynaha HirShabelle?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xildhibaan-Cabdirisaaq-Cabdirizaaq-scale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wasiirka batroolka Soomaaliya xildhibaan Cabdrisaaq Cumar Maxamed la doonayo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Doorashada madaxweynaha HirShabeelle ayaa dhaceysa November 2024, markaasi oo ay ku egtahay afarta sano ee muddo xileedka madaxweyne Cali Guudlaawe. 

Inkasta oo aysan aheyn heshiis qoran ama dastuuri ah, haddana waxaa aad loo filayaa in madaxweynaha maamulka HirShabeelle uu marka xigto ka yimaado beesha Xawaadle, oo ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu HirShabeelle geeyo shaqsi uu ku kalsoon yahay, taageero xoogganna ka heli kara beeesha Xawaadle, wuxuuna u arkaa xildhibaan Cabdirisaaq inuu yahay shaqsigaas.

Xildhibaan Cabrirsaaq ayaa ka mid ah shaqsiyaadka aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ka tirsan yahay xisbigiisa UPD ee madaxweynaha.

Cabdirisaaq ayaa labadii goor ee madaxweyne Xasan Sheekh uu qabtay hoggaanka dalka, wuxuu ahaa wasiirka beesha Xawaadle ku matala dowladda, taasi oo muujineysa sida uu madaxweynaha ugu dhow yahay uguna kalsoon yahay. 

Qorshaha Cabdirisaaq looga dhigayo madaxweynaha HirShabeelle ayaa qeyb ka ah isku day madaxweyne Xasan Sheekh uu xisbigiisa iyo saaxiibadiisa ugu gacan gelinayo hoggaanka maamullada Galmudug iyo HirShabeelle, ayada oo Galmudug loo wado agaasimaha NISA Mahad Salaad. 

SI kastaba, Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu go’aansaday inaanu taaban Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe inta ay ka dhameysanayaan muddo xileedkooda, si aanu qalaalse siyaasadeed dalka uga abuurin, loona curyaamin dagaalka Al-Shabaab.

The post XOG: Yuu XASAN u wadaa madaxweynaha HirShabelle? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this