Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka Baarlamaanka oo Ka Wadahadlay Habsami U Socodka Shaqada Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen ku xigeennada labada Gole ee Baarlamaanka JFS, ayay u jeedadiisu ahayd ku wareejinta Guddiga Dib-u -eegista iyo La Socodka higelinta Dastuurka heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran si ay uga baarandegaan, uguna baddalaan luuqad qanuun oo dastuuri ah, isla markaana u soo gudbiyaan fadhiyada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay iyaguna waajibaadkooda Dastuuriga ah uga gutaan.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this