Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa iska bedelay dakhliga soo gala DF kadib billowgii la-dagaalanka musuq-maasuqa?

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay billowday ololaha dagaalka ka dhanka ah Musuq-maasuqa ayaa waxaa si weyn isbedal looga dareemay dalka, gaar ahaan ilaha uu dakhliga uga yimaada dowladda dhexe.

Warbixin ay daabacday warbaahinta dowladda ayaa lagu soo bandhigay isbeddalka Dakhli ee haatan jira, kaas oo sare u kac sameeyay kadib dagaalka ay dowladdu billowday.

Waxay warbixintu si gaar ah diiradda u saartay laba il dhaqaale oo kala ah adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo kamid ah ilaha dakhliga dowladda Soomaaliya.

Sida ay warbixinta muujineyso ilahan ayaa sameeyey isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan, laga soo bilaabo dabayaaqadii April ee sanadkan 2023-ka, kaas oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii ka horreeyey kahor inta aysan dowladdu bilaabin dadaalka ay ugu jirto dabar-goynta musuq-maasuqa iyo xatooyada xoolaha dadweyne ee haatan ka socda dalka.

“Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyey isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan  oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan isla-markaana maareeyaan ay dowladdu heli karto dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda” ayaa lagu yiri warbixinta/

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu soo bandhigay shaxda lacagaha lixdii bil ee lasoo dhaafay kasoo xarooday adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo muujinaya koror dhaqaale.

Shaxda ayaa sidoo kale isgarab dhig ku sameysay dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg lixdii bil ee ugu dambeysay ee sanadkan 2023-ka.

Screenshot-2023-07-15-at-9.08.43-AM.png?

The post Maxaa iska bedelay dakhliga soo gala DF kadib billowgii la-dagaalanka musuq-maasuqa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this