Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qodobada ugu adag ee madaxdii hore hordhigeen madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
347604670_691141396390336_45758439776064

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Madaxda Dowladda Fedreaalka, Madaxdii hore ee dalka iyo Siyaasiyiinta qaarkood ayaa habeenkii Jimcaha lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkaas oo laba maalmood socday ayaa si adag looga dooday qodobo ka mid ahaa Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka, waxaana ka soo baxay war-murtiyeed talo soo jeedin loo bedelay.

Qodobadda ugu adag ee madaxdii hore iyo siyaasiyiinta shirka la hortageen Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala ahaa:

1- Inay ka horjeedaan Muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha dowladda Federaalka e hadda jirta iyo Maamul Goboleedyada.

2- Wax ka beddelka Dastuurka iyo Nidaamka Doorashada Dalka inaysan suuragal ahayn in la qaato qodobadii Madasha Qaran.

Labadaas qodob ayaa la sheegay inuu tixgelin siiyay madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan wax ballanqaad ah bixin, laakiin arrinta culus ee Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta la yimaadeen ayaa ahayd inaan hore loogu socon hogeynta heshiiskii Madasha Qaran, iyadoo Puntland aysan qeyb ka ahayn.

Ra’iisal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa warbaahinta u sheegay inay dalbadeen in Puntland lagu soo daro go’aamada Madashada inta aan sharciyadda loo gudbin labada Aqal ee Baarlamaanka.

Qodobkan ayaa waxa uu ka mid ahaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirka Muqdisho ka socday, balse waxaa lagu qeexay in loola jeeday in ka maqnaashaha Puntland uu dhaawac ku keeno karay go’aan ka gaarsita arrimaha la xiriira masiirka dalka.

Puntland ayaa hora yuga hadashay go’aanka walaac badan horay u dhaliyay, iyada oo madaxweyne Siciid Cabdullaahi dani sheegay in aysan qayb ka ahayn dhamaan qodobadii ka soo baxay heshiiska.

Isaga oo meel fagaare ah ka hadlayay ayuu sheegay Deni “in dalka meel qaldan lagu wado…Puntland na aysan quseyn qodobadii ka soo baxay shirka.”

The post Xog: Qodobada ugu adag ee madaxdii hore hordhigeen madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this