Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya oo qabtay laba nin oo rabay in ay ku biiraan kooxaha Argagixisada ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay ku warrantay mid kamida warbaahinta maxalliga ah ee Kenya laamaha amaanka dalkaas ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Mooyaale ay ku qabteen labo nin oo ajaaniib ah oo u socday in ay ku biiraan kooxaha argagixisada ah.

Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo 30 jir ah.

Xog kale oo la helay ayaa sheegeysa in labada nin ay ku wajahnaayeen Magaalada Jilib iyagoo kasoo socdaalay dalka Tanzania.

Eedaysanayaashu waxay daaha ka qaadeen inay u socdeen Soomaaliya si ay ugu biiraan Argagixisada.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in xarigga ragga gacanta lagu dhigay uu ku soo beegmayo laba todobaad kadib saddex muwaadin oo u dhashay dalka Tanzania laga soo qabtay isla deegaanka.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Kenya oo qabtay laba nin oo rabay in ay ku biiraan kooxaha Argagixisada ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this