Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda RSF ee ka dagaallanta Suudaan oo lagu eedeeyay xarigga in ka badan 5000 kun oo qof

Recommended Posts

Deeq A.   
230505215507-01-omdurman-sudan-aerial-05

Hay’adaha xuquuqul insaanka ee Suudaan ayaa helay cadaymo ay kooxda Rapid Support Forces (RSF) ku xirtay caasimadda in ka badan 5,000 oo qof, waxayna ku hayeen xaalado bini’aadantinimo ka baxsan, sida laga soo xigtay hay’adda.

Dadka oo lagu xiray dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Khartoum ayaa waxaa ka mid ahaa dagaal-yahanno, balse sidoo kale ay mu jiraan ilaa 3,500 oo rayid ah oo ay kamid yihiin haween taag daran iyo ajaaniib.

RSF ayaa muddo saddex bilood ah dagaal kula jirtay ciidamada Suudaan, iyagoo inta badan heysta caasimadda Sudan. Dadka deegaanka ayaa ciidamada ku eedeeyay inay dhac iyo boob u geysteen guryaha.

Mar wax laga weydiiyey RSF waxa ay sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan jirin, isla markaana ay hayaan maxaabiis dagaal oo si wanaagsan loola dhaqmay.

PUNTLAND POST

The post Kooxda RSF ee ka dagaallanta Suudaan oo lagu eedeeyay xarigga in ka badan 5000 kun oo qof appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this