Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha cusub ee Nigeria xaaladda degdeg ah galiyay waddankiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, xilli dalkaasi ay ka jirto xaalad cunto yari oo aad u daran.

Mr Tinubu ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin isdaba joog ah oo uu sheegay in ay wax kaga qabanayaan kor u kaca sicirka cuntada.

Talabooyinka la qaadayo ayaa waxaa ka mid ah in la isticmaalo lacagtii kaabeysay shidaalka ee meesha laga saaray si beeraleyda loo siiyo hadhuudhka bacriminta beeraha.

Sannadkii hore, hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka digtay in daadadka iyo qiimaha Haduudka bacriminta ee sare u kacaya aykor u qaadi doonaan qiimaha saadka cuntada.

Bishii Janaayo, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta,ee UNICEF, ayaa sanadkan saadaalisay in shan iyo labaatan milyan oo reer Nigerian ah ay halis ugu jiraan cunto yari baahsan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this