Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Dhagaxdhigay Dhismaha Waddada Via Liberia

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhagax dhigay dib u dhiska waddo Waddada Via Liberia ee degmada Waaberi oo muda ku dhow 30-sano burbur xooggan iyo dayac xumo ka jirtay, waxaana lagu dhisayaa isku tashi bulsho.
Dhagax dhiggaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir, maamulka Degmada, iyo qeybaha bulshada, waxaana siweyn bulshada degmada ay usoo dhoweeyeen dhismaha lagu sameynayo waddadaan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe dhowr dhimo waddooyin ka dhagaxdhigay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,  kuwaas oo ku yaallo degmooyin kale duwan ee gudaha caasimadda, iyadoo isku tashi bulsho lagu dhisayo.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this