Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergeyga Cusub Ee Qaramada Midoobay oo Gaartay Magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladd gobolleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtooyada Dowladda Galmudug ee Dhuusamarreeb kusoo dhaweeyay ergeyga cusub ee Qarammada Midoobe ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Madaxweynaha iyo wafdiga QM ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, heshiiskii Madasha,Arrimaha doorashooyinka, la dagaalanka Al-shabaab oo ka socda deegaanno ka tiirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo sidoo kale Arrimaha xasilinta  deegaannadaasi.

Ergeyga cusub ee Qarammada Midoobe ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay safarro ku kala bixinaysay maamul goboleedyada, waxaana safarro  hore ay ku gaartay maamullada dalka waxaana ay kala hadashay Wadashaqeyn QM iyo Maamullada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this