Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madobe oo u yeeray saraakiisha ciidanka kadib…

Recommended Posts

Deeq A.   
359383223_832652388216653_82787320848096

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxame Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan isugu yeeray saraakiisha ciidamada daraawiishta iyo kuwa xoogga dalka ee howlgallada ka wada Jubbooyinka, kadib markii ay ciidamada huwanta guullo ka gaareen dagaalladii u dambeeyay oo ay ku qabsadeen deegaano horleh.

Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa warbixin ka dhageystay taliyeyaasha ciidamada ee Jubbaland, iyo kuwa milatariga Soomaaliya, kuwaas oo madaxweynaha la wadaagay howlgalladii ugu dambeeyay ka dhacay gobollada Jubbooyinka ee maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, General Yuusuf Cismaan iyo inta badan saraakiisha hay’adaha amniga ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sarakiisha faray inay dardar-geliyaan howlgallada ay ka wadaan maamulkaasi, gaar ahaan duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee howlgalka ku jira kuwaas oo jab xoogan gaarsiiyay Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgalada illaa hadda la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah oo ay ku diirsadeen shacabka, ayna sii wadi doonaan.

Dhanka kale, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa farriin culus u diray reer Jubbaland, wuxuuna ugu baaqay inay ciidamada ku garab siiyaan dagaalka Al-Shabaab

“Madaxweynaha ayaa shacabka ree Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Khawaariijta looga hor wareejin lahaa shacabka ay dhibka ku hayaan” ayaa lahgu yiri warka kasoo baxay Jubbaland.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Al-Shabaab lagu dilay Jubbooyinka, kadib howlgallo dhulka iyo cirka ah oo ka dhacay gobolladaas oo dhaca koonfurta dalka.

359317457_832652378216654_47803230243291 359383223_832652388216653_82787320848096 359511515_832652594883299_78641832968920 359517759_832652618216630_40080558925787 359778862_832652508216641_57319998271601 359818153_832652584883300_24324314465608 361108299_832652988216593_73095528716718

The post Axmed Madobe oo u yeeray saraakiisha ciidanka kadib… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this