Deeq A. Posted July 15, 2023 Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxame Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan isugu yeeray saraakiisha ciidamada daraawiishta iyo kuwa xoogga dalka ee howlgallada ka wada Jubbooyinka, kadib markii ay ciidamada huwanta guullo ka gaareen dagaalladii u dambeeyay oo ay ku qabsadeen deegaano horleh. Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa warbixin ka dhageystay taliyeyaasha ciidamada ee Jubbaland, iyo kuwa milatariga Soomaaliya, kuwaas oo madaxweynaha la wadaagay howlgalladii ugu dambeeyay ka dhacay gobollada Jubbooyinka ee maamulkaasi. Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, General Yuusuf Cismaan iyo inta badan saraakiisha hay’adaha amniga ee Jubbaland. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sarakiisha faray inay dardar-geliyaan howlgallada ay ka wadaan maamulkaasi, gaar ahaan duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee howlgalka ku jira kuwaas oo jab xoogan gaarsiiyay Al-Shabaab. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgalada illaa hadda la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah oo ay ku diirsadeen shacabka, ayna sii wadi doonaan. Dhanka kale, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa farriin culus u diray reer Jubbaland, wuxuuna ugu baaqay inay ciidamada ku garab siiyaan dagaalka Al-Shabaab “Madaxweynaha ayaa shacabka ree Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Khawaariijta looga hor wareejin lahaa shacabka ay dhibka ku hayaan” ayaa lahgu yiri warka kasoo baxay Jubbaland. Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Al-Shabaab lagu dilay Jubbooyinka, kadib howlgallo dhulka iyo cirka ah oo ka dhacay gobolladaas oo dhaca koonfurta dalka. The post Axmed Madobe oo u yeeray saraakiisha ciidanka kadib… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites