Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashaariic daruuri ah oo loo dhagax-dhigay Barokacayaasha Naasahablood

Recommended Posts

Deeq A.   

Mashaariic daruuri ah oo loo dhagax-dhigay Barokacayaasha Naasahablood

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland Faadumo Cabdilaahi Cumar, ayaa kaamka Barakacayaasha Naasa Hablood C ee magaalada Hargeysa ka Dhagax-dhigtay Dhismayaal iskugu jira Xarun Caafimaad iyo Dugsi waxbarasho.

Madasha dhagax dhiga waxa goobjoog ahaa mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Somaliland iyo madax katirsan hay’adda NRC iyo marti Sharaf kale.
Guddoomiye Faadumo ayaa ka codsatay barakacayaasha Naasa Hablood C inay ilaashadaan xarumaha mihiimka u ah adeegyada noloshada.
Waxaaney tidhi. “Farxad weyn ayay noo tahay in aanu maanta goobjoog halkan u ahaano, dhismaha 5-ta fasal ee loo bineynayo Kaamka Naasa Hablood C, kana wada hawlgali doonaan dowladda hoose iyo NRC.

Bulshada midbaan leeyahay, waxaan leeyahay inta badan hantida Qaranka lama daryeelo, waxa aad maanta nasiibka u hesheen, ee Iskuulkii, MCH-kii, Saldhigii booliska, iwm, in aad ilaashataan oo aad daryeeshaan ayaan idinka codsanaya”

Xildhibaan Caydaruus Cabdisamed oo ka mida golaha degaanka ee degmada Hargeysa, ayaa sheegay in dowladda hoose ay ka go’an tahay cidkasta oo meesheedii laga raro inay u qabato adeegyo dhammeystiran.
Waxaanu yidhi. “Waxa halkan la dhagax-dhigey dugsi ka kooban 5 fasal, waxaana laba fasal inaga caawinaysa hay’adda NRC, waaney ku mahadsan tahay ka dabataga ay dadka ka daba timid, iyo xarunta hooyada iyo dhallaanka ah oo dowladda hoose dhisayso isla markaana ay ku dhisayso cashuurtii la idinka qaadayay.

Dowladda hoose waxa ka go’an marka ay dad rarto inay ka daba tagto, adeegyada mihiimka u ah nolosha ay u dhammeystirto, dhagaxa hadda la dhigey ayuu horumarkiini ka bilaabmaya”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this