Sign in to follow this  
Deeq A.

Yoweri Museveni oo Joseph Kabila ku eedeeyay in uu gabbaad siisay Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
1eca156427374c8abf4738e42b464eef.jpg?res

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Joseph Kabila, in uu gabbaad siiyay maleeshiyada Daacish.

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in Joseph Kabila u ogolaaday Daacish in ay ka faa’iideystaan macdanta iyo alwaaxda dalka Congo, oo ay dhaqaalaha ay ka heleen u adeegsadeen in ay ku dhisaan awooddooda.

Jabhad horey fadhigeedu u ahaa Uganda, Allied Democratic Forces (ADF), oo baayaco la gashay Daacish 2019, ayaa muddo sanado ah ka howl-galeysay kaymaha dalka deriska ah ee Congo, ayada oo fulineysa dilal ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo shacabka.

Bishii tagtay, dagaal-yahannada kooxda ayaa usoo gudbay xuduudda Uganda, waxayna weerareen iskuul ayaga oo xasuuqay 42 qof, oo badankood ahaa caruur. Qaarkood ayaa nolosha lagu gubay.

PUNTLAND POST

The post Yoweri Museveni oo Joseph Kabila ku eedeeyay in uu gabbaad siisay Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this