Sign in to follow this  
Deeq A.

Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf. Qaybtii 11,aad.

Recommended Posts

Deeq A.   

Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf. Qaybtii 11,aad.

Kulankii Masuuliyiinta

Sida Sange kooraysan ama geenyo Shaaximan oo afar qaaday socod oo Fadal goynta raadku uu susumo xidhiidh yahay Ana Qalin qoraalka u mariyee Halkee qoraal maraynay? Waxaynu khadka raad dhigaynay….. …………… Saan inta aan jeebka gacanta geliyey baan lasoo baxay tilifoonkii kale ee aan sitay, inta aan barbar dhigay tilifoonkii kale ee miiska saarnaa ee sawirka aan ka tusaayey ayaan………………..Intaanan u shidin Ciyaarta maqalka iyo muuqaalka ah, ayaan u sharaxay Ciyaarta sawirka qadiimiga ah ku xardhan, oo aan magaceeda iyo sida loo dheelo ama ciyaaro u sharaxay aniga oo ka tusaaya sawirka Qadiimiga ah Dadka ku xardhan qof qof sida ay Ciyaarta uga qayb qaadanayaan.

Markii sharaxadii sawirka Qadiimiga ah isla meel dhignay ayaan u daaray ama shiday tilifoonkii Ciyaarta maqalka iyo muuqaalku ku jiray oo ahayd goob fagaare ciyaaro Dhaqameed lagusoo bandhigaayey, iyada oo Ciyaarta magaceeda lashaaciyey oo dadkii fagaaraha joogay lagusoo dhawaynaayey, waxaana laduubay Ciyaartaa mudo dhawr sano kasoo wareegtay wakhtiga aan tusaayey masuulka, weliba ma ahay ciyaar aniga gaar iigu duuban se waxa ay ahayd ciyaar ku jirta,”YOUTUBE” ka iyada oo goobo kala duwan lagu ciyaaraayo, se gaar ahaan maqalka iyo muuqaalka ciyaartan aan “YouTube-ka” ka tusay Masuulka waxa ay ahayd bandhig Dhaqameed Ummad tiro badani joogtay oo ciyaar walba magaceeda la naadinaayey Intaan la bilaabin.

Ciyaartii ama dheel dhaqameedkii ayaan shiday ama u daaray aniga oo tilifoonka sawirka Qadiimiga ah ka sharaxaad tusaaya Ciyaarta maqalka iyo muuqaalka ah.

Markii Ciyaartii ama dheeshii dhamaatay ayaan weydiiyey masuulkii sawirkaa qadiimka ah ee wakaalad ahaana isku raacsan tihiin in kumanaan sano ka hor la xusuus sawiray saw kuma tusin iyada oo sidaa waagaa loo sawiray iyada oo wakhtigan aynu jirno ee joogno, Masuul saw weli sidaa sawirka ku xusan loo ciyaarimaayo?.

Masuulkii halkii aan jawaab iyo garawshiyo aan ka filaayey, ayuu masuulkii sida San ee aan ku xasilay ii sheegay in wakhtiga wada kulankayagu uu yahay mid aniga igu xidhan, ayuu masuulkii intuu Mar qudha fadhigii ka istaagay ayuu yidhi arin baa igu soo kordhay!, (Cid fariin u keentay may jirin tilifoon usoo dhacayna muu jirin) ee xog Waxaad hayso nagusoo wareeji! Iyo meel aanay xaajaba joogin, waxa uuna ii soo Fidiyey xaashi ah xaashiyaha laysku laalaabo ee sharaxaadaha kala duwani ku daabacan yihiin taas oo ahayd goobaha Dalxiiska ay u qoondeeyey Wasaaradda dalxiisku, sidaan ahay dalxiise!, waan ka qaaday waraagdii ay ku daabacnaayeen goobaha ay Dadka geeyaan goob dalxiis ahaan inkastoo ayna ku jirin goobta sawirka ciyaar Dhaqameedku ku xardhanaa, Saan ku idhi Masuul xogta Nagu soo wareeji mid aan kaa idhaahdee fadlan soo fadhiiso, Markuu sal dhigay baan ku idhi, Mudane Runtii waa xog iyo Taariikh qaran oo Ummaddeenu leedahay oo ma xuma in aan Wasaaradda ama shaqsi ahaan masuul adiga kugu wareejiyee se waxa ay igu qaadatay in kabadan 20 sanadood fahankeedu, ee Bal iyada oo kooban aan adiga kugu sheeko wareejiyo e, ugu yaraan Kun habeen iyo Habee ayey u socod dhigmaysaaye Mudane adigu Kun Maalmood iyo Maalin firaaqo ma noqon kartaa!?,

Masuulkii Qosol ilko caddayn ah buu iigu jawaabay! Wuxuu se ku celiyey Hawl ayaa iigusoo kordhay ee isii tilifoon ama meel kale oo aan kaala soo xidhiidho,

Runtii shaqsiyan iimay muuqan wax aanu islasoo xidhiidh ku wada wadaagi karnaa, Maxaa yeeley anakoo is hor fadhina wuxuu masuulku ka aqoon fiigay waxa iiga cadaatay in aanay aqoontiisu gaadhsiisnayn waxa aan lawadaagay, waayo ciyaar dhaqameedkii iyada oo sawir ah iyo iyada oo maqal iyo muuqaal ah aan tusay, waxa ka degi weyday sawirkan kumanaanka sano kahor lasawiray ayaa ah ciyaar dhaqameedkan weli jirta ee dihin ee la dheelaayo ama ciyaaraayo qarnigan 21aad!, waxa se uu si sahlan uga war iyo wax sheeg uga qaatay Arday shisheeye ah oo Afkiisa iyo Dhaqankiisa iyo Sooyaalka Taariikhda Ummaddiisa wax aqoon ah u lahayn oo taariikhdii dadkiisii hore u xusuus Qoreen ka dhaadhiciyey inay yihiin dad JIN caabudaaya!, aad baan uga xumahay, se kama xanaaqsani waayo Ummaddii aanu Qoomiyada isku ahayn Taariikhda qorana aanu wada lahayn sidii Xoolihii Afka Dabaysha saari jiray ee Dabayl raaci jiray oo kale ayey Waxaan sal iyo raad lahayn u hogaansameen oo u aamineen.

Masuulkii waxa aan siiyey tiradii furaha ’tilifoon’kayga gacanta Saan nabad gelyo kagasoo baxay, waxa aan Soo fadhiistay kursigii daarada yaalay oo markan aan ku sugaayo gaadhigii I qaadaayey, Maxaa yeelay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku waxa ay si quman u eegaysaa albaabka Koonfureed ee Madaxtooyada Jamhuuriyada barakaysan sidaa awgeed waxa ka Caagan in gawaadhida la dhigto iyo inay ku hakadaan jidka iyo barxada u dhaxaysa madaxtooyada iyo Wasaaradda, sidaa aawadeed, Gaadhigii isiday ee iqaadaayey ayaan sugaayey.

Wax yar Goortii aan fadhiyey ayaa waxa goobtii aan fadhiyey meel u dhow soo istaagay nin oday ah oo Shaqaalaha Wasaaradda ka mid ah oo weliba sahamiye ah, oo soo arkay goobo tiro badan oo taariikhi ah, oo Dalka ku yaala, waa Mudane Maxamed Cabdi Cali Jaadha, Runtii waan iska xakameeyey oo lamaan Hadal markaa waayo madaxda Wakaaladda oo aan markaa xeerinaayey awgeed, sikastaba ha ahaatee sanad dabadeed ayaan lasoo xidhiidhay Mudane Maxamed Cabdi Cali Jaadha, aniga oo u bishaaro sheegaya in wixii uu lagolongolay ee uu ku raacdo-jiray ay yihiin soyaalka taariikhdeena ay inoo xusuus Qoreen Dadkii aynu ka joogno, nasiib daro Maxamed way u cuntabi weyday ama way ka daadegi weyday rayiga aan lawadaagay waayo in dadkeenu CARAB kasoo jeedaan ayuu qabaa, hase yeeshee farta xusuus qorani maaha carabi iska daa wax kalee Markii fartan la xuus qor bilaabay carab dad la yidhaahdaa dunida kumay guud noolayn!, se waa rayi uu Mudane Maxamed qabo oo iskaga gudubtay waxa jira iyo taariikhda dhabta ah ee dhagaxaanta ku xardhan!, sikastaba ha ahaatee xidhiidhka Mudane Maxamed aan la sameeyey wuxuu iga ahaa aduunku waa maalmo Weyne inoo qoondeeyey qofba intuu ku nagaanaayo sidaa aawadeed in aan wargeliyo Mudane Maxamed Cabdi waxa dhagaxaanta ku dhigani in sooyaalkeenii Taariikheed yahay, se kamay degin Far qoran oo Akhrismaysa ayaa inoo Dhitaysan, se Sumadaha Xoolaha lagu dhigo ayuu Mudane Maxamed carabaabay inuu ku arkay goobo!, se Qoraalada aan u sheegay inay jiraan Runtii dheeldheelid iyo xaraabaysi in aan uga jeedo ayuu u qaatay!, Taasina Runtii iga reeban!, waxa iyana Jiray Masuuliyiin kale oo………….. Lasoco Qaybta danbe.

Haan Ajo ka Buuxdo

Xareed kuma Biirin kartid.

Fuad Fartaag 14-07-2023

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this