Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaalinta ay Soomaalidu ka gashay qaxootiga iska dhiibay dalka Jarmalka

Recommended Posts

Deeq A.   
German-Migrants.jpg?fit=1374%2C1000&ssl=

Berlin (Caasimada Online) – Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay marti galisay qaxootigii ugu badnaa ebid oo gaaraya 1.24 milyan oo ruux oo qaxooti ah. Dawladda ayaa sheegtay in 27,000 oo ruux oo dadkaas kamid ah ay yihiin dad aan dal lahayn 

In ka badan 244,000 oo ruux ayaa waddanka Jarmalka ka codsaday magangalyo sanadkii la soo dhaafay, halka in ka badan hal milyan oo qaxooti Ukraine u dhashayna ay soo gaareen dalka iyaga oo ka soo cararay dagaalka ka socda waddankooda, sidaas waxaa sheegay dawladda Jarmalka. 

Wadanka ugu horeeya ee dadkiisu iska dhiibeen Jarmalka ayaa ah Syria, waxaa soo raaca Afghanistan, Turkey iyo Ciraaq. Balse qaxootiga ka yimaadda. 

Marka la barbardhigo sanadkii 2021 dii, tirade magangalyo doonka ayaa korotay 27.9% bolkiiba. Gaar ahaan saddexdii bilood ee ugu dambeysay sanadkii 2022 kii, tirade ayaa korortay iyada oo dadka magan galyo doonka ah ay ka soo qulqulayeen dhinaca wadamada la isku yiraahdo Balkans ka.

Soomaalidu kaalintee ayay kaga jirtaa dadka is dhiibay? 

Soomaalida ayaa ku jirta kaalinta afaraad ee magangalyo doonka ka yimid Afrika ee iska dhiibay Jarmalka. Waxaa ka horeeya wadamada kala ah Morocco oo 95 kun oo ruux ay ka yimaadeen. Nigeria oo 83 kun oo qof ay ka yimaadeen iyo Eritrea oo 55 kun oo qof in ka abdan ay ka yimaadeen.

Tirada Soomaalida ee magangalyo doonka ah ayaa sanadkaan ku dhawaatay laba u jibaar. 55,470 ruux ayaa lagu sheegay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka ee aan doonayo in la qaabilo, sida ay baahisay dawladda Jarmalka. 

31,075 oo kamid ah dadkaas ayaa sharciyo ka helay Jarmalka, balse intooda badan wali ma aysan helin sharciga joogtada ah ee dalkaas, halka 4,780 kamid ahna ay heleen diidmo, micnaheeduna yahay in dawladda jarmalku qaabili doonin, magangalyana siin doonin. Tan ayaa micnaheedu yahay in 10 kii qof ee Soomaali ah, 8 kamid ah ay sharci ka haystaan dawladda. 

Marka loo eego wadamada dunida Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta tobanaad. Wadamada liiska uga horreeya ayaa waxaa kamid ah Turkiga oo ku jira kaalinta shanaad. 

Axmed Kadiye oo ah wariye ku sugan Jarmalka oo BBC la ahdlay ayaa sheegay in tani ififaale wanaagsan u tahay Soomaalida. 

“Soomaalida waddankaan soo gashay intooda badan ma ahan dad la keenay ee waa dad lugtooda ku yimid ama ‘sharci darro ku soo galay’…In la qaabilo waxay keeneysaa in uu xuquuq ka helo dalka” ayuu yir Kadiye. Faa’iido kale ayuu ku sheegay in ay tahay “In jarmalku yahay dal u furfuran qaabilaadda Soomaalida mar loo eego wadamada kale ee Yurub”.

Dawladda Jarmalka iyo 16 waddan oo kale oo horraan isugu raacay in la fududeeyo sharciyada lagu macaamilayo qaxootiga sii kordhaya.

Dawladda jarmalka ayaa sheegtay in in kabadan 1 bilyan oo doolar ay ku bixindoonto koroka qaxootiga sanadkaan 2023 da.

The post Kaalinta ay Soomaalidu ka gashay qaxootiga iska dhiibay dalka Jarmalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this