Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulankii usoo dhamaaday Xasan iyo mucaaradka (qodobada la isku afgartay)

Recommended Posts

Deeq A.   
348597154_691412836363192_33350833189905

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii labadii maalmood ee lasoo dhaafay u socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno mucaaradka kamid ah ayaa kusoo idlaaday galinkii dame ee shalay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa shalay xooggiisa la dul dhigay qodobadii heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay mucaaradkan horey doodda uga keeneen.

Xoggo cusub ayaa kasoo baxaya kulankaan, xilli xukuumadda ay baahisay war-saxaafadeed ay kaga gaabsatay halka saxda ah ee la isla gaaray, waxa lasoo warinayaa inuu jiri doono war-murtiyeed rasmi ah oo illaa caawa la dhameystiri doono oo ku saabsan qodobadii lagu heshiiyay.

Kahor waxaa soo baxaya qodobo la isla ogolaaday iyo kuwa gacan laga taagay iyo kuwa kale oo madaxweynaha ogolaaday in lagala heshiiyo oo dooddo sii socoto.

Haddii aan dul istaagno qodobada;

1. Muddo xileedka Xasan Sheekh

Madaxweynaha waxa uu toos u ballanqaaday in uusan maalin ku darsaneyn muddo xileedkiisa afarta sano, haddaa rabtaan waa i celin kartaan ayuu ku yiri raggii shirka fadhiyay.

2. Maamulka Puntland

Waxaa lagu heshiiyay in maamulka Puntland lagu soo celiyo miiska oo taladooda la dhageysto lana tixgeliyo, maadaama aan looga maarmin heshiisyada noocaan ah, madaxweynuhuna qodobkaan waa aqbalay.

3. Nooca doorashada

Labada dhinacba waxay isku raaceen qabashada doorasho qof iyo cod ah. Mucaaradka waxay dalbadeen in geediga doorashadaas iyo sida loo fulinayo in heshiis laga gaaro marka hore. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la sheegay inuu taasna ogolaaday.

4. Doodda madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qodobkaan waxaa la sheegay inuu aqbalay in lagu daro qodobada heshiiska laga gaarayo ee u baahan in looga sii wada-hadlo kulamada soo aadan.

Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in uusan kulankan noqon midkii ugu dambeeyay, oo qodobada u baahan doodda ay noqdaan kuwa loo dhigto kulamada soo aadan, iyada oo la ballaarinayo madasha.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka qeyb-galay kulankaan ayaa la filayaa inay hadli doonaan wixii caawa ka dambeeya, markaas oo la filayo in war-murtiyeedk si rasmi ah loo faafiyo.

Si kastaba, Shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, islamarkaana ay taagneyd xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga.

The post Xogta kulankii usoo dhamaaday Xasan iyo mucaaradka (qodobada la isku afgartay) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this