Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed xooggan oo ka qarxay Gobolka Togdheer

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689263156157.jpg?resize=720%2C54

Dagaal beeleed xooggan ayaa maanta ka qarxay miyiga degaanka Dhaal-maygaag oo ka tirsan Gobolka Togdheer.

Wararka ayaa sheegaya in muran dhuleed uu muddooyinkii danbe ka taagnaa miyigaas Dhaal-maygaag oo u dhexeeya degaanada Horyaal iyo Qorilugud.

Dhinacyada dagaallamaya ayaa ka soo kala jeeda labada maamul ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ka qarxay dhulka ciidka ah halka dhinaca kalena uu weli taagan yahay dagaalkii Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Dagaal beeleed xooggan oo ka qarxay Gobolka Togdheer appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this