Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ku soo dhamaaday shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxdii hore?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16892639342796518.jpg?resize=720%

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir labo maalmood socday oo u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka.

Ma jiro war-murtiyeed ka soo baxay shirka, balse afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Farxaan Jimcaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shirkaas uu ku dhamaaday jawi wanaagsan, lana isdhaafsaday afkaar kala duwan.

Farxaan Jimcaale ayaa xusay in shirkaas inta badan looga hadlay qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, gaar ahaa heshiiska doorashooyinka, waxaa ka mid ahaa qodobadii tallooyinka laga dhiiibtay nooca doorashada dalka, nidaamka madaxtinimada dalka, nidaamka xisbiyada badan, guddiga doorashada qaranka, mideynta xilhaynta hay’adaha federaalka & kuwa dowlad goboleedyada iyo dib u eegista dastuurka.

Hoos ka daawo qodobada ka soo baxay shirka.

PUNTLAND POST

The post Muxuu ku soo dhamaaday shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxdii hore? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this